Tuesday, June 23, 2026
27.2 C
Mogadishu

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ‘Bayle’ oo shaaciyay waqtiga IMF ka cafinayso deynta Somaliya (SAWIRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda XF Soomaaliya, Mudane Cabdiraxaan Ducaale Bayle oo maanta shir jar’id warbaahinta u qabtay ayaa waxa uu sheegay in 25-ka bishaan hay’adda lacagta aduunka ee IMF ka cafinayso dayntii ay Soomaaliya ku lahayd.

Wasiir Bayle ayaa in bangiga adduunka iyo bangiga hormarinta afrika ay Soomaaliya u cafiyeen inta badan lacagihii ay kulahaayeen balse ay hartay kaliya IMF-ta.

Sidoo kale, wuxuu xusay, in arimaha Deyn Cafinta Soomaaliya ay garab ku siiyeen dalalka ingiriska , Norway iyo Talayaaniga oo bixiyay inta badan lacagtii lagu lahaa Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya, Mr. Bayle ayaa intaa raaciyay in Soomaaliya hada loo ogoleyn in ay qaadato deyn, iyagana aysan qaadanayn wax deyn ah, balse badalkeeda ay helayaan lacaga deeq ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...