Turkey (Halqaran.com) – Shirkad Turki ah ayaa soo saartay malabka ugu qaalisan adduunka, sida lagu sheegay Diiwaanka Guinness World Records.
Guinness ayaa sheegtay in malabka Centauri uu yahay malabka ugu qaalisan adduunka, waxaana qiimihiisa lagu sheegay 5,409 doolar halkiisa Pound ama 454 kiisa garaam, taasoo ka dhigeysa malabka ugu qaalisan adduunka.
Malabkan ayaa midab ahaan ah mid madow dhadhankiisana waxaa lagu sheegay in uu yahay mid qaraar, balse Waxaa lagu qiimeeyaa dawadiisa, iyada oo ay ku badan tahay Magnesium, Potassium, Phenols, Flavonoids iyo Antioxidants.
Shirkadda soo saarta malabkan ayaa sheegtay in malabkan la soo gooyo sanadkiiba hal mar, waxa ayna intaas ku dartay in malabkan tayadiisa si joogta ah loo hubiyo.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





