Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Trump oo si cad u diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa doorashada soo socota

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykanka oo xil haya oo diida inuu sii sheego inuu aqbali doono Natiijada Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa bisha November.

Mar uu wareysi siiyay Trump telefishinka Fox ayaa la weydiiyey inuu aqbali doono natiijada haddii uu doorashada Madaxweynaha uga guuleysto ninka la tartamaya ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkiisa ku soo aadaya, xili la saadaalinayo in Musharraxa Dimuquraadiga Joe Biden uu dhanka taageerada uga horeeyo Madaxweynaha xilka haya tani oo walaac weyn ku heysa xisbi xaakimka Jamhuuriga.

Xafiiska Joe Biden oo ka jawaabaya diidmada Donald Trump ayaa sheegay in dalka Maraykanka uu shuruuc leeyahay, isla markaana ay shacabka dooran doonaan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Trump ayey taageeradiisa hoos u sii dhaceysay tan iyo horaantii sanadkan, waxayna dad badan ku dhaliilayaan qaabkii uu u wajahay kahor taga cudurka Covid-19 oo xiligan faro-ba’an ku haya dalka Maraykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...