Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Shirka looga hadlaayo arimaha doorashooyinka ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay wali qabaan walaac ku aadan in aan la gaarin go’aan mideysan oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inay aqoonsan karaan Shirkaasi oo kaliya marka laga wada qeyb galo tallada lagu go’aaminayo doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku baaqayaan in dhinacyo gaar ah aysan isku koobin.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso tallaabo walba oo looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wali aysan caddeyn xilliga doorashada dalka ay dhaceyso.
Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu waddaa in maalmaha soo socda uu ka furmo wajiga labaad Shirka Madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa DF ee Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com