Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Muxuu ka yiri Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Shirka Dhuusamareeb?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Shirka looga hadlaayo arimaha doorashooyinka ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay wali qabaan walaac ku aadan in aan la gaarin go’aan mideysan oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inay aqoonsan karaan Shirkaasi oo kaliya marka laga wada qeyb galo tallada lagu go’aaminayo doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku baaqayaan in dhinacyo gaar ah aysan isku koobin.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso tallaabo walba oo looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wali aysan caddeyn xilliga doorashada dalka ay dhaceyso.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu waddaa in maalmaha soo socda uu ka furmo wajiga labaad Shirka Madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa DF ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...