Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Guddoomiyihii degmada Wadajir oo xilka laga qaaday, Walaalkiisana loo magacaabay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyihii Degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir C/raxmaan Maxamed Cali, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib digreeto ka soo baxday Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho.

Waxaa xilkaan loo magacaabay Bashiir Mohamed Cali oo ay walaalo yihiin, isla Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Degmada Wadajir, sida ilo wareedyada ay xaqiijiyeen.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta sheegay shaqsiga xilka loo magacaabay inuu ka mid ahaa illaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya, in xil ka qaadista guddoomiyihii hore ay sabab u tahay shaqooyinkii Degmada Wadajir oo fadhiid noqday, islamarkaana xitaa la waayay wado laga galo Degmada Wadajir, maadaama roobabkii da‘ay biyo dhigeen Maamulkana uu wax ka qaban waayay.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Wadajir loo magacaabay ayaa ah shaqsi dhallinyaro ah, balse aqoon badan aan u laheyn arrimaha Maamulka, laakiin ka mid ahaa illaalada Cumar Filish.

Sidoo kale, maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay dhacaan isbeddelo ku aadan Degmooyinka qaar oo Guddoomiyeyaal cusub loo magacaabi doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...