USA (Halqaran.com) – Toogasho ayaa shalay galab xilliga Mareykanka ka dhacday deegaanno hoos-taga caasimadda gobalka Georgia ee Atlanta.
8 qof oo 6 ka mid ah ay yihiin haween ayaa lagu dilay 3 toogasho oo ka dhacday duleedka Atlanta. Hadal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in toogashada koowaad lagu dilay 2 haween kuwaasoo asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Eeshiya iyo nin iyo haweeney kale oo caddaan ah.
Toogashada kale, Saraakiisha booliska Atlanta ayaa waxa ay ka fal-celiyeen qeylo-dhaan ku aadaneyd dhac hubeysan oo dhacay ka hor 6-dii galabnimo ee shalay, waxa ayna booliska halkaasi ku arkeen meydka 3 haween oo lawada toogtay, sidoo kale booliska ayaa goob kale ka helay haweeney 4-aad oo asal ahaan ka soo jeeda Eeshiya.
Dhinaca kale, nin lagu tuhunsan yahay in uu geystay toogashadaas ayey boolisku saacado kaddib ku qabteen deegaan 240-KM dhanka Koonfur ka xiga magaalada Atlanta ee gobolka Georgia.
Eedeysanaha ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Robert Aron Long oo 21 jir ah, kaasi oo wax iska caabin ah aan kala hor-imaanin booliska.
War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Atlanta ayaa lagu sheegay in eedeysanaha lala xiriirinayo toogashada, kaddib markii la helay caddeymo muuqaal ah goobihii ay dilalku ka dhaceen.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com





