China (Halqaran.com) – Ninkaan oo magaciisa lagu soo koobay Xu una dhashay waddanka Shiinaha ayaa la sheegay in uu jasiirad dhan u dhisay gabar ay haasaawe wadaag horre ahaayeen.
Ujeedada ku xambaartay dhisidda jasiiradda ayaa aheyd in uu doonayey in ay u soo laabato jaceylkiisii horre laakiin waxaa la weriyay in uusan ku guuleysan damaciisa.
Mr.Xu dadaalkiisa fashilmay waxaa uga baxday lacag kor u dhaafeysa 15 kun oo doolar, oo uu muddo mushaarkiisa ka jarayay. Dhismaheeda waxaa la dhameeyay Janaayo 2021, nasiib darro gabadhii loogu talagay ayaa diiday in ay dib ula midowdo Mr Xu.
Jasiiraddaan ayaa ku taalla magaalada Yengde waxa ayna ku fadhidaa cabbir u dhaxeeya 20-30 mitir labo jibbaaran, waxa ayna noqotay goob soo jiidasho leh oo bartilmaameed u noqotay lammaanayaasha in ay waqti ku qaataan.
Mr.Xu markii uu bur-buray xiriirkiisa waxa uu u guuray baadiyaha halkaas oo uu hadda ku xannaaneeyo waalidkiisa oo waayeel ah.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





