USA (Halqaran.com) – Magaalo yar oo ku taalla California shirkadeheeda dalxiiska waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay caabuqa Corona. Waxaana hadda socda qorshe dib loogu soo celinayo dalxiiska.
Barnaamijka booqo Santa Maria Valley waa barnaamij dal-xiisayaasha loogu gacan haatinayo waqtiga dhaw.
Shirkadaha iyo maamulka magaalada ayaa sheegay in dadka yimaada la siin doono $100. Ujeedada laga leeyahay waxa ay tahay in la helo dal-xiisayaal badan.
Lacagta waxaa dheer adeegyo loo qaban doono dadka imaanaya Santa Maria Valley, ugu yaraan labo habeen ayay si lacag la’aan ah ku joogi karaan hoteelada.
“Waxaan heysanaa xeebo qurux badan,hoteelo,maqaayado iyo goobo kale oo loo dalxiis tago. Waxaan idinla socod siineynaa in dhammaan goobaha laga dhaqan gelinayo hab raacyada Corona.” Sidaas waxaa CNN u sheegtay Jennifer Harrison oo Xafiiska Santa Maria Valley dhanka sharciga u qaabilsan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





