Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Lammaane lacag geeyay halkii ay isku barteen 20 sano ka hor!

USA (Halqaran.com) – 20 sano ka hor ayey ku kulmeen maqaaxi ku taalla magaalada Chicago. Xiriirkooda haasaawe ayaa halkaas ka billowday ugu dambeyna waxa ay noqdeen labo nolosha wadaaga.

Lammaanahaan ayaa goobtii ay 20 sano ka hor isku barteen dib ugu laabteen iyaga oo xusaya 20 sano guurada ka soo wareegatay isbarashadooda oo fura u noqotay dhismaha qoyskooda.

Arrinta xiisaha leh waxa ay tahay in lammaanahaan markii ay tageen maqaaxida waxa ay uga soo dhex tageen bashqad ay ku jirto lacag gaareysa 2 kun oo doolar oo ay ugu deeqeen shaqaalaha maqaaxida.

“Waad ku mahadsantihiin xusuustiina wanaagsan ee 20 sano jirsatay, cuntadiina wanaagsan iyo adeegiina wanaagsan.” Lammaanahaan ayaa sidaas ku qoray bashqadda ay lacagta ku jirtay.

Jim Higgins, milkiilaha maqaaxida ayaa sheegay in lammaanahaan ay yimaadaan maqaayadiisa bisha Febraayo sanad kasta si ay u xusaan isbarashadooda.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...