Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Sabtida maanta ah magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku-xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo.
Waare iyo Amb. Tabio Massimo ayaa waxa ay ka wada hadleen wax ka qabashada arrimaha Fatahaada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dowladda Talyaaniga ayaa oggolaatay Mashruuc in dhowaanba la sugayay ee ka hortaga Fatahaada Mashruucaasi oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$).
Safiirka ayaa u sheegay Madaxweynaha Hirshabelle in lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay oggolaatay ay doonayaan Dad reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu kaga Mahadceliyay Caawimaada Talyaaniga.
Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hay’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





