Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu maanta Miiska ku saaray Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.
Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in uusan sax aheyn midka maanta la horgeeyay, islamarkaana loo baahan yahay in Golaha Wasiirradda ay dib u celiyaan.
“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey.
Sidoo kale, warka ayaa lagu yiri, “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u soo celiyaan Hindise sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah”
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cod dheer ku diiday ansixinta Ajendaha kulankii maanta oo ahaa Mashruuc sharci oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.
Ugu damebyn, Xildhibaanno ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan, iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com