Saturday, June 20, 2026
27.5 C
Mogadishu

Turkiga oo ballan-qaaday inuu dib u dhisayo dekedda uu qaraxa burburiyay ee Beirut

Ankara (Halqaran.com) – Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa hadal uu jeediyey ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun waxa uu sheegay in wadankiisu uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto dib u dhiska dekadda Beirut.

Dekadda Mersin ee Turkiga, ee ku taal badda Mediterranean ayuu sidoo kale sheegay in ay diyaar u tahay in ay Lubnaan ka caawiso adeegyada kastam-ka iyo keydinta shixnadaha waaweyn illaa Dekadda Beirut dib loo dhiso.

“Waxaan u sheegnay in badeecadaha looga soo daabuli karo Mersin ilaa Lubnaan maraakiib yar yar iyo qaabab kale oo gaadiid ah,” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa sidoo kale xusay, in diyaarada ambalaasyada ah ee Turkigu ay dadka dhaawacyada ah u qaadi karaan Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa u diray Lubnaan koox caafimaad, saanad iyo sidoo kale koox howlaha baadi goobka iyo badbaadinta gacan ka geysata.

Qaraxii ka dhacay Beirut ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5,000 oo kale, halka ilaa 250,000 qofna uu dhigay guryo la’aan.

Qaraxyada ayaa ka dhacay bakhaar ku yaal dekedda oo ay ku keydsanaayeen 2,750 ton oo ah maaddada ammonium nitrate ee loo adeegsado bacriminta iyo walxaha qarxa.

Ugu dambeyn, musiibadaan ayaa dhacday xilli ay Lubnaan la halgameyso dhibaato baahsan oo dhaqaalo xumo ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...