Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Somaliland oo u goostay dhinaca xoogagga SSC

Laascaanood (HalQaran.com) – Waxaa Axaddii maanta magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool lagu soo dhaweeyay taliye ku-xigeenkii Ciidanka Somaliland Janeraal Saleemaan Barre Geesood, kaas oo u soo goostay dhinaca Ciidamada xoogagga degaanka ee SSC.

Sarkaalkan iyo Ciidamo uu wato ayaa waxaa magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay saraakiil katirsan xoogaga SSC, kuwaas oo qeyb ka ah dagaallada ka socda duleedka Magaalada Laascaanood

Janeraal Saleebaan Barre Geesood, ku-xigeenkii Taliyaha Malliteriga Somaliland ayaa sheegay dhankiisa inay ku biiri doonaan, isaga iyo Ciidamada uu wato dagaalka looga soo horjeedo Somaliland.

Tan iyo markii uu billaawday dagaalka Laascaanood ayaa waxaa Ciidamada Somaliland kasoo goostay oo dhimaca xoogagga SSC u wareegay Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsanaa kuwa Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...