Xudur (HalQaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Madaxweynaha ayaa qaabilay Saraakiisha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka oo uu kala hadlay u diyaar garowga bilaabashada wajiga 2-aad ee Dagaallada Dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Xudur ee gobolka Bakool, isagoo halkaasi kulamo kala duwan ka sameeyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com