Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

Horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir oo laga shiray

Muqdisho (HalQaran.com) – Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed  Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda International Medical Crops (IMC).

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayey Wakiilka IMC ee Soomaaliya Ronald-Paul Veilleux, isagoo Agaasimaha la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada ay ka wadaan Caasimadda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta Caafimaadka gobolka Banaadir.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadasheynta, dardar gelinta iyo kor u qaadista adeeg bixinta Caafimaadka.

Agaasime Dr. Cabdiraxmaan ayaa Ronald-Paul Veilleux iyo mas’uuliyiintii la socotay ugu mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay u hayaan Shacabka Caasimadda, isagoo ka codsaday iney sii laba jibaaraan.

Hay’adda IMC ayaa qeyb ka ah hay’addaha taageera Mashaariicda iyo barnaamijyada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...