Saturday, October 10, 2026
27 C
Mogadishu

RW Xamse oo kulamo muhiim ah la yeelay mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka

Muqdisho (HalQaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Mas’uuliyiin ainta mashaariicda Wasaaradda gacanta ku haya,  ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah, isla markaana wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanqaadkii ay horey u kala saxiideen. Waxaana uu si gaar ah u faray Wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu talagalay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...