Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka QM

Nairobi (HalQaran.com) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan (Bashiir Goobe) iyo Danjiraha Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeybgalay furitaanka  shir-weyne ay qabaneyso  UN- Habitat.

Shirkaan ayaa ah furitaanka kalfadhiga labaad ee Golaha Deegaanka Qaramada Midoobe (UN Habitat), kaas oo arrimo badan looga hadli muddada uu shirka socdo.

Mowduuca sanadkaan ee kal-fadhigaan ayaa lagu gorfeyn doonaa waxa loogu yeero Mustaqbal Magaalo waarta, iyada oo loo marayo is-dhex-gal dhinacyo badan leh, si loo gaaro yoolka horumarineed ee joogtada ah waqtiyada xasaradaha caalamiga ah ay jiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...