Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Kulan dhexmaray wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay

Muqdisho (HalQaran.com) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala dalka.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa looga hadlay hannaanka Maaliyadda Bangiyada iyo xoojinta ka hortagga lacagaha sharci- darada ah, sare u qaadidda dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka ka sheegay in ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliyeed ay lafdhabar u yihiin horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...