Sunday, May 10, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxda Hirshabeelle oo wada daddaal loogu dhisayo buundo cusub Deg. Buulo-burde

Buulo-burde (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Injineerro, waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo-burde Xasan Maxamed Cabdi iyo qaar kamid ah qeynaha bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle,Cabdi Daahir guurre, ayaa ka dhawaajiyay in ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii dadka degmadaasi loogu dhisi lahaa buundo cusub, iyadoo sidoo kale la dayactirayo buundada haatan ee uu ka muuqdo burburka.

Qaar kamid ah ururada bulshada oo iyaguna hadlay soo dhoweynta kadib ayaa u mahadceliyay wafdiga ka socda Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...