Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Degmada Buulo-burde

Hiiraan (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Buulo-Burde waxaa taliyaha ku soo dhaweeyay taliyaha Qeybta 27aad Janaraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) iyo saraakiisha kale ee Ciidamada Walabka sida ee ku sugan degmadaas.

Ujeedka Socdaalka taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb galka munaasabadda daahfurka taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Taliye Odawaa ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Saraakiisha qeybta 27aad, isaga oo kala hadli doona dardar gelinta howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Waxay aheyd shalay markii degmada Buulo-Burde ay gaareen wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, iyaga oo halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...