Garbahaarey (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtidii maanta gaaray magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo.
RW Rooble ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Mr. Rooble ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dowlad gobaleedka Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Socdaalka Ra’isul Wasaaraha XF Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashooyin, madaama magaalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin labo magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





