Saturday, May 16, 2026
28.9 C
Mogadishu

Boob ganacsi oo ka socda Koonfur Afrika iyo Soomaalida oo cabsi soo waajahday

Johannesburg (Halqaran.com) – Dibadbax ballaaran oo rabshado wata ayaa ka bilaawday qeybo badan oo kamid ah xaafadaha Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in bannaanbaxyada ay daba socdaan boob loo geysanayo Goobaha Ganacsi oo ay Ajaanibta leeyihiin, waxaana bannaanbaxayaasha oo ah taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ay waddooyinka ku gubayaan Taayaro iyo Agab kale.

Meelaha uu boobka sida weyn uga socdo ayaa waxaa kamid ah xaafadaha,  Jeeps Town, Hillbrow, High Way, Iyo Qeybo kamida ah Xaafadda Alexander Township, sida ay sheegeen Ganacsatada Soomaalida.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo wajahday cabsi la xiriirtabin la boobo Ganacsigooda, waxaana meelaha qaar ka billowday in ay la baxaan Agabkooda Ganacsi.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana ay mar walba la kulmaan, dil , dhaawac iyo in la boobo hantidooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...