Boob ganacsi oo ka socda Koonfur Afrika iyo Soomaalida oo cabsi soo waajahday

Johannesburg (Halqaran.com) – Dibadbax ballaaran oo rabshado wata ayaa ka bilaawday qeybo badan oo kamid ah xaafadaha Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in bannaanbaxyada ay daba socdaan boob loo geysanayo Goobaha Ganacsi oo ay Ajaanibta leeyihiin, waxaana bannaanbaxayaasha oo ah taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ay waddooyinka ku gubayaan Taayaro iyo Agab kale.

Meelaha uu boobka sida weyn uga socdo ayaa waxaa kamid ah xaafadaha,  Jeeps Town, Hillbrow, High Way, Iyo Qeybo kamida ah Xaafadda Alexander Township, sida ay sheegeen Ganacsatada Soomaalida.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo wajahday cabsi la xiriirtabin la boobo Ganacsigooda, waxaana meelaha qaar ka billowday in ay la baxaan Agabkooda Ganacsi.

Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana ay mar walba la kulmaan, dil , dhaawac iyo in la boobo hantidooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com