Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Ciidamada Tigrayga oo sheegay inay magaalo kale qabsadeen!

Mekelle (Halqaran.com) – Ciidamada Tigray ayaa sheegay Isniintii inay ku sii siqayaan Koonfurta ayna magaalo kale dib uga qabsadeen ciidamada dowladda Itoobiya, ayaga oo muujinaya sida ay uga go’an tahay inay dagaalka sii wadaan illaa dib looga soo celiyo xuduudihii dagaalka ka hor.

Wakaaladda wararka si madax-banaan uma xaiijin karto sheegada Ciidamada Tigrayga ee magaaladaasi.

Ciidamada TPLF ayaa 28-kii Juna qabsaday magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, hase yeeshee qeybo ka mid ah galbeedka iyo koonfurta gobolka ayaa waxaa haysta ciidamada maamulka deriska la ah ee Amxaarada.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa Isniintii Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170km koonfur ka xigta Mekelle, ayna kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur kasii xigta.

Afhayeen u hadlay militariga Ethiopia Colonel Getnet Adane, kama uusan hadlin cidda maamuleysa magaalada Korem mar ay wax ka weydiisay Reuters, balse wuxuu farriin qoraaleed ku yiri “waxaan ku dhowaaqnay xabad-joojin,” isaga oo ila jeeda xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee dowladda Ethiopia ay ku dhowaaqday kadib markii ay ciidankeeda kala baxday Mekelle. TPLF ayaa xabad-joojintaas ugu yeertay “kaftan”.

Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo madax howlgalka dowladda ee Tigray labaduba kama jawaabin codsi ay u dirtay Reuters oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadlaan.

Ugu dambeyn, afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...