Uganda (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in tobaneeyo qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool xeryaha qaxootiga dalka Uganda ay gaajo iyo cudurka dilaaga ah ee Covid-19 ugu dhinteen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Ilaa iyo 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay u dhinteen caawimaad la’aan, maadaama dalka Uganda uu ku jiro xayiraad ka dhan ah Cudurka Covid-19 ee dunida saameeyay.
Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee Uganda Khalis Muhammad oo la hadlay wakaalada Anadolu Agency ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga ay u dhinteen gaajo halka kuwa kalena ay u dhinteen Fayruska Karoona.
“Ma gaari karno kuwa u baahan sababo la xiriira xayiraadda COVID-19. Qaxootiga waxay ku baahsan yihiin xaafadaha caasimada, si ay caawimaad u helaan” ayuu yiri Khalis Muhammad.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalqabeenno ah oo ganacsi ku leh magaalada Kampala, laakiin aysan gaari karin dadka u nugul xayiraadaha jira awgood.
Waxay aheyd lixdii Juun, markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ku dhawaaqay xayiraad dalkoo idil sababo la xiriira Fayruska Karoona oo ku sii kordhaya ee waddankaas.
Ugu dambeyn, Tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalkaasi ayaa gaartay 87,277, iyada oo 2,104 ay dhinteen halka 61,304 oo laga soo kabtay, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Uganda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





