Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo lahadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab qasaare xooggan ku gaarsiiyeen dagaal ay kula galeen degmada awdheegle iyo deegaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose.
Jeneraal biixi ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu kahortagay weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada, isla markaana xubno badan ay ka dileen.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab looga dilay 45 xubnood tiro intaas ka badana ay ka dhaawaceen wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaannadii lagu dagaalamay uu ka socdo howlgal uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage kaasi oo lagu baadi goobayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





