Muqdisho (Halqaran.com) – Shir u dhexeeya Madaxda dowladda federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo sabti ah uu ka furmo Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadli doonaa Ajendayaasha Shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada dhaceysa.
Madaxweynaha dowladda federaalka Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, dhammaan Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka Maanta.
Todobaadyadii ugu dambeeyay Beesha Caalamka ayaa waday dadaalo kala duwan oo ay isugu keeneyso Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, kaddib markii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirarka looga hadlayo doorashada.
Habeenkii xalay aheyd ayaa waxaa la sheegay in la isku afgartay in ammaanka goobta maanta uu shirka ka dhacaayo ay sugaan Ciidamada AMISOM, isla markaana madaxda ay banaanka Afisyooni uga soo tagaan ilaaladooda gaarka ah marka laga reebo kuwa dharcadka ee Madaxda la socda.
Beesha Caalamka ayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada cadaadis xooggan ku saaraya inay heshiis rasmi ah ka gaaraan doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya oo is marin waa uu ka taagan yahay.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





