Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo faah-faahin ka bixiyay dagaal ay Al-Shabaab kula galeen Awdiinle

Awdiinel (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Ciidanka dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal ay Ciidanka xoogga dalka Al-Shabaab kula galeen deegaanka Awdiinle oo qiyaastii magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay u jira 30km dagaalkaas oo ay sheegeen inay ku dileen labo ka tirsan Al-Shabaab, kuwo kalena nolosha ay ku qabteen.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan ayna fuliyeen guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Xoogga dalka.

Taliyaha qeybta 60-aad Jeneraal Maxamed Sheekh ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa jirtay in xalay ay Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka Awdiinle.

Xfaiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...