Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen RW Kheyre iyo Safiirka Midowga Yurub?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulan gaara ah oo ay yeesheen ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashada heer qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta maadaama Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirto arrimaha deyn cafinta.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa bogaadiyay iskaashiga joogtada ah oo ay wada leeyihiin Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isaga oo sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Danjire Nicolas Berlanga

Dhinaca kale, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaana ay ka wada hadleen dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Mr. Beyle ayaa sheegay in ay uga mahadcelinayaan Midowga Yurub iskaashiga xoogan ee ay la leeyihiin iyo gurmadka ay gaarsiiyaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka gargaarkaas oo ay uu kamid yahay awood u siinta Taageerada Miisaaniyadda iyo ka Jawaabida Cudurka COVID-19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...