Thursday, June 4, 2026
28.3 C
Mogadishu

Taliska Ciidanka Xoogga oo beeniyay in ciidamada DF Somaliya ay isaga baxeen deeganka Goofgaduud Buurey

Baay (Halqaran.com) – Waxaa muddooyinkii la soo dhaafay jirtay warar laga  baahinayay deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay, kaas oo ku saabsanaa in Ciidamada Dowladda ay isaga baxeen, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

War kasoo baxay Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga kana howlgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ciidamada dowladda ka baxeen degaanka Goofgaduud.

“Halkan waa deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay waxaa ku sugan oo Fariisin u ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad, waxaa jirey Warar Been Abuur ah oo Bulshada isla dhaxmareyeen  oo ah in Ciidanka isaga soo baxeen waxbana kama jiraan‘‘, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qeybta 60aad ee Ciidanka dowladda.

Sidoo kale, Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga ayaa sheegay in dadka wararkaasi faafiyay ay ahaayeen kuwa doona in ay  khalqal geliyaan Bulshada iyo Amniga degaannada Koonfur Galbeed .

Deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaallamay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo weeraray, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay xaqiijinayaan Amniga degaanka oo laga ilaaliyo Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...