Sunday, June 21, 2026
25.9 C
Mogadishu

R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ‘Rooble’ oo maanta Xilka la wareegaya (Yaase xilka ku wareejin doona?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Axadda maanta uu la wareego xilka Ra’iisul Wasaaranimo oo uu Madaxweyne Farmaajo u Magacaabay 17-kii Bishaan.

Farriin loo diray Golaha Wasiirrada xilka sii-haya ayaa waxaa lagu wargeliyay in Axadda maanta ah ay kasoo qeyb galaan munaabadda uu xilka kula wareegayo Ra’iisul Wasaraha Cusub, taas oo ka dhaceysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhex yaalla Xarunta Madaxtooyada, waxaana ay u qorneyd sidatan.

”Dhamaan Xubnihii Golihii hore Wasiirada, waxaa la idinku wargelinayaa in Axad 27/9/ 2020 Saacadda 10: 00 AM ay jirto Xafladda uu xilka kula wareegayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble oo ka dhaceyso XRW.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 24-kii Bishaan waxaa uu qoraal uu ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu xilka wareejiyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub, taas oo la ogeeysiiyay Madaxweyne Farmaajo, Guddoonka labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Hanti dhowraha Qaranka, hayeeshee ay u muuqato in warqadaas laga gudbay.

Sidoo kale, Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa la filayaa in uu Maanta xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha Cusub sida ay sheegtay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...