Sunday, June 21, 2026
27.1 C
Mogadishu

Kulankii madaxweynaha Galmudug uu la qaatay Waxgaradka Cadaado oo isfahan-darro ku dhammaaday

Cadaado (Halqaran.com) – Madaxwenaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor oo shalay gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi kulan isfahan-darro ku soo dhammaaday kula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka magaalada, sida ay xogta ku heshay Halqaran.com.

Wararka ayaa sheegaya, in kulanka loogu hadlay arrimo la xiriira xiisadda ka taagan deegaannada Qalaan-Qale iyo Xanaanbuure oo uu dalbaday madaxweynaha Galmudug in isaga si gaar ah loogu wareejiyo, balse odayaasha Cadaado ay ka hor yimaadeen.

Axadda maanta ah ayaa mar kale lagu wadaa in ay kulan yeesheen Madaxweynaha Galmudug iyo Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Cadaado, islamarkaana arrinta loo saaro Guddi ka kooban 7 Xubnood si la isugu soo dhawaado.

Ugu dambeyn, Degaannada Qalaan Qale Iyo Xanaanbuure ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay dagaal Beeleedyo soo laab laabtay, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo barakaca Boqolaal Qoys.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...