Sunday, June 21, 2026
27.1 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay arrimo xasaasi oo ay ka mid tahay Amniga iyo Doorashooyinka dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falanqeynta Siyaasadda ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeedeed ee dalka, Amniga iyo doorashooyinka, waxaana uu sheegay in dadaal dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu si mugleh ugawarbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed.

“Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah dadkii qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, halka qaarkood uu ka gaabsaday,su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta.

“Tan iyo markii aan xilka imid waxaan awood siinnay dhallinyarada, iyagoo qeyb ka ah hoggaanka iyo talada dalka. 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.”

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka waxa loogu yeero argagixisada ayaa tilmaamay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii Al-Shabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida, lana xoreeyey deegaanno badan oo ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...