
Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa xaqiijisay Kiisas cusub oo ku saabsan Cudurka Coronavirus (Covid-19).
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Badde ayaa sheegay in kadib markii baaritaano lagu sameeyay dad horay looga shakiyay Saddex ruux oo ka mid ah laga helay Coronavirus.
Dadka laga helay Cudurka Laba waa Hargeysa midna waa Boorama sida wasiirka Caafimaadku shaaciyay.
Somaliland ayaa xustay, in Saddexda ruux ay Xaaladood Caafimaad wanaagsan tahay, islamarkaana hadda ay la tacaalayaan laamaha Caafimaadka.
Si kastaba, kiisaska guud ee laga helay Somaliland ayaa noqonaya 5 ruux, waxaana horay Somaliland ay u sheegtay in labo kiis oo cusub laga helay Coronavirus (Covid-19).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





