Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Somaliland oo Digniin culus u dirtay DF Soomaaliya, kaddib markii…

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, oo Shir guddoominayay fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa ay golaha wasiirrada ay fadhigoodii maanta ka soo saareen go’aammo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen madax-bannaanida Somaliland.

Kulanka golaha wasiirrada Somaliland oo laga soo saaray go’aamo lagu bogaadinayo dooddii todobaadkaan Baarlamaanka UK ka yeesheen qaddiyadda Somaliland,  iyaga oo Xildhibaannada ku bogaadiyay doodaas.

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa digniin culus u diray dawladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay caadaysatay faragelinta qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

“Goluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay, waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda, Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar” ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...