Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo doortay guddoomiye cusub

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Khamiistii maanta xarunta Hoolka teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kadib markii kal hore Ra’iisul Wasaare Rooble uu Guddiga ka saaray 7 Xubnood oo uu kujiray Guddoomiyihii Guddiga.

Laba Musharrax ayaa isku soo taagay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kuwaas oo kala ah Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse waxaa kusoo baxay xilka Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka Maxamed Cawil Warsame kadib markii uu tanaasulay Mustaf Macalin Cali.

Cod gacan taag ah ayay Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka dhammaantood ugu codeeyeen Guddoomahooda Cusub ee Maxamed Cawil Warsame oo kamid ah todobada Xubnood ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku beddelay todobadii uu Guddiga ka saaray, halka Mustaf Macalin Cali uu kamid yahay Xubnaha Guddiga ee uu soo Magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ugu dambeyn, guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ah guddi muhiim u ah doorashooyinka, waxaana Shaqadooda ay tahay inay qaadaan dacwadaha la xiriira hadii la isku qabsado kuraasta Baarlamaanka labada Aqal ee la doortay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...