Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Shir ku saabsan Xaaladda Amniga ee Puntland oo lagu qabtay Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland, S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa Arbacada maanta ah gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliye ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, qaar ka mid ah hoggaanada ciidanka booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, ku-xigeenkiisa, Taliyaasha Saldhigyada iyo saraakiisha Booliska Gobolka Nugaal.

Shirka waxaa looga hadlay kor u qaadista Amniga Caasimadda, Howlgelinta Saldhigyada iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.

Ugu dambeyn, shirkaan looga arrinsaday Amniga Magaalada Garoowe ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaaay Puntland ay kordhisay shirarka looga hadlayo arrimaha amniga, kadib markii dhawaan Ciidamada Somaliland ay la wareegeen magaalada Boocame ee Gobolka Sool wallow ay dib ula wareegeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...