Thursday, November 13, 2025
28.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqday Dekedaha ku yaalla dalka Jabuuti

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Arbacadii maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

RW Xamse iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hay’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta booqday dekedaha kala duwan ee Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay dekedaha kala duwan, iyada oo la tusiyay qeybaha ay ka kooban yihiin iyo saldhigga ay ka baxaan tareenada qaada badeecadaha ka soo dega dekeddaha

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...