Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxaa ka ognahay Ujeedka Safarka Agaasimaha hay’adda NISA ee magaalada Addis Ababa?

Addis Ababa (Halqaran.com) – Waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii maanta, Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Agaasime Mahad Salaad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya, waxaana intaas kadib loo galbiyey dhanka gudaha magaalada, Agaasimaha ayaana ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdi la socday.

Mahad Salaad ayaa sida uu qorshahu yahay Itoobiya ku joogaya safar laba cisho ah, isla markaana waxaa uu kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaas Taliyaha Nabadsugida Xukuumadda Addis Ababa, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Dhinacayda ayaa si gaar ah kulankooda diirada ugu saaraya muhiimada ay leedahay ka hor taga waxa loogu yeero Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya iskaga kaashadaan.

Si kastaba, safarka agaasime Mahad Salaad ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola uu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu Agaasimaha NISA soo gaarsiiyay casuumaadda safarka maanta.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...