Galgaduud (Halqaran.com) – War-Saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Gorof ee gobolka Gagaduud waxay ku dileen in ka badan 50 ka tirsan Al-Shabaab
Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka Shabaab.
Dhinaca kale, Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Al-Shabaab.
DF Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysay dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





