Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay muranka ka taagan arrimaha Doorashooyinka dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan Arrimaha doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo Isniintii maanta dalka dib ugu soo laabtay oo Warbaahintana la hadlay ayaa sheegay inay aheyd in xilligaan howlaha doorashooyinka socdaan, balse ay nasiib darro tahay in ilaa iyo hadda aan la isku waafaqsaneyn Arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, wuxuu xusay Sheekh Shariif inay rajo weyn ka qabaan in dalkaan ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo walaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif ayaa sheegay in weli la heysto fursad looga wada hadli karo khilaafka kajira doorashooyinka, waxaana uu cadeeyay in dalka uu u baahan yahay xasilooni iyo Nabad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...