Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Nabaddoon caan ah oo lagu dilay gobolka Hiiraan

Matabaan (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in Nabaddoon caan ah lagu dlay deegaanka Dhicis oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya, in maleeshiyaad hubeysan ay dileen nabaddoonka, iyadoona ay u suurta-gashay inay durba goobta ka baxsadaan.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabaddoon Geelle Faarax Oreey.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegayaan in dilkaas uu la xiriir aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dilka Nabaddoonka maanta lagu dilay deegaanka hoostaga degmada Matabaan ayaa ku soo beegemaya, xilli subixii Isniinta maanta wada gaari lagu dilay xuduudka ay gobolka Hiiraan la wadaagto Itoobiya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...