Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii guddiga loo xil saaray xakameynta sicir bararka Puntland?

Garoowe (Halqaran.com) – Guddiga xalinta dhibaatada suuqa lacagaha ee Puntland ayaa Isniintii maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulanka Guddiga ayaa  waxaa ay uga hadleen sidii loo fulin lahaa Go’aamaddii ay dhawaa soo saareen ee la xiriira xakameynta Sicir bararka iyo socod siinta lacagta Shillin Soomaaliga.

Go’aamada ay Guddiga horay u soo saareen ee dhaqan galay ayaa waxaa kamid ah in uu shaqo bilaabey Bankiga Maamulka iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdulahi Deni ayaa waxa uu soo dhoweeyey go’aanka Guddiga, wuxuuna amrey in hay’adaha ay quseyso, ay fuliyaan go’aamadda kasoo baxay Guddiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu Guddiga u sii xilsaarey xaqiijinta fulinta go’aamadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...