Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Diyaarad gargaar siday oo ka degtay Degmada Xudur ee G/Bakool

Xudur (Halqaran.com) – Diyaarad sida gargaar kala duwan kana baxday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Isniintii maanta ka degtay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Diyaaradan oo siday Raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la wareegay Agabkii saarnaa Maamulka degmada Xudur si Bulshada Magaalada loogu qeybiyo, hayeeshee ay xusid mudan tahay in gurmadkaas uusan ku filneyn

Degmada Xuddur oo muddo 8 Sano ah u go’doonsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa kajirta xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, kadib markii Al-Shabaab ay xoojiyeen culeyska ay saareen degmadaasi Xudur.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ku sugan degmada Xudur, waxaana kulan uu la qaatay laamaha Amniga uu faray in go’doonka laga qaado degmooyinka Gobolka Bakool

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...