Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la qaatay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay hoyga Shariifka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka ka dhacaysa iyo sida loo xalin karo qilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada oo aan weli wax heshiis rasmi ah laga gaarin.
Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday sida Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaalka lagu doonayo in dalka ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo si xor ah u dhacda.
Kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo labada madaxweyne maamul ayaa waxaa mar dambe ku biiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, RW hore Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Shalay ayey aheyd markii midowga musharraxiinta madaxweynaha ay ka qeyb galeen shir u furmay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka, iyagoona u gudbiyay tabashooyinka ay ka qabaan doorashada iyo sida lagu xalin karo qilaafka taagan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





