Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xildhibaanno si adag uga soo horjeestay go’aankii guddoomiye Mursal

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si adag uga soo horjeestay qoraalkii ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ee 15 mudane looga joojiyay inay ka qeyb galaan 5 Kulan ee soo socda.

Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig iyo Xildhibaaan Sadiiq Xersi warfaa oo ka mid ah Xildhibaannadaasi ayaa waxaa ay sheegeen in Go’aanka uu qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan u hoggaansami doonin.

Xildhibaan Xiddig oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inaysan jirin wax laga mamnuucay, laakin ay arkeen warqadda ka soo baxayday guddoomihii hore ee baarlamaanka.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in ay xasaanad leeyihiin, islamarkaana aysan jirin cid ka hor-istaagi karta inay kulamada Golaha Shacabka ka qeyb galaan.

“Warqadda waan aragnay, laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...