Garoowe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee maamulkaasi oo gadoodsan, kana cabanaya mushaar la’aan in ay barkontarool oo lacag lagu qaado ay dhigteen waddada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.
Ciidamadan ayaa lagu soo warramayaa inay xirteen wadada, iyaga oo mas’uuliyin ka tirsan Puntland u diiday inay isticmaalaan laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Xarfo ee Gobolka Mudug, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen warbaahinta.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada gadooday ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa iyo xaquuqda ka maqan laga siinayo aysan mas’uuliyiinta Puntland u oggolaan doonin inay waddada maraan ayna goobta sii joogi doonaan.
Mas’uuliyiinta Puntland oo ay Ciidamadaasi is hortaag ku sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo doonayay in uu wadadaas isticmaalo, isaga oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe.
Si kastaba, Ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay sameeyeen gadood ciidan, iyagoo ka cabanayay mushaar la’aan, balse markii dambe la xaliyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





