Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Nin waddo 2.5 KM ah ku xardhay “Waan ku jeclahay”

India (Halqaran.com) – Nin aan lamagacaabin oo ku nool magaalada Kolhapur ee dalka Hindiya ayaa waddo marta gobolka Maharashtra ku xardhay ereyo uu ku muujinayo jaceyl uu u qabo gabar uu haasaawe kala dhexeeyo.

Si uu kalsooni dheeraad ah ugu beero wuxuu sameeyay waddo laami oo dhererkeedu yahay 2.5 KM ayuu ku qoray ereyo uu ku muujinayo jaceylka xad dhaafka ah uu u qabo gabadhaas.

Ereyadaan oo far waa weyn ku qornaa ayaa waxaa ka mid ahaa “Waan ku jeclahay” “Waan kuu xiisay” iyo kuwa kale oo dhammaan uu ku cabbirayey jaceylka uu u qabo gabadha uu xiriirka kala dhexeeyo.

Dadka deegaanka ayaa aad ula yaabay markii ay soo tooseen iyadoo jidka ay ku xardhan yihiin ereyadaan oo ku qornaa rinji cad. Waxaana sawirro laga qaaday aad loogu wadaagay baraha bulshada.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...