Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa 15 Xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka ka joojiyay kulamada golaha.
Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiye Mursal ayaa waxaa 15-ka Xildhibaan lagu eedeeyay inay is hor istaag iyo fowdo ku sameeyeen kulankii shalay ee xildhibaanada golaha shacabka ee lagu kala tegay, kaddib markii uu buuq hareeyay.
Xildhibaanadan ayaa laga joojiyay inay ka qeyb galaan 5 kulan oo uu yeelanayo golaha shacabka oo kulanka ugu soo horreeya uu dhici doono berri sida uu qorshuhu yahay, waxaana Xildhibaanadaas ka mid ah Mahad Maxamed Salaad iyo Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare.
Xildhibaano farabadan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa shalay diiday inuu furmo kulanka golaha, isla markaana is hor istaag ku sameeyay guddoomiye Maxamed Mursal oo damcay inuu kulanka furo, sidaasina lagu kala tegay.
Xildhibaanadaas waxa ay kala yihiin:
Xil. Cilmi Maxamed Nuur, Xuseen Qaasim Yuusuf Idow, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdullaahi Maxamed Nuur, Mahad Maxamed Salaad, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene, Maxamed Cali Cumar, Faysal Cabdille Guuleed, Cabdullaahi Yuusuf Xasan-Alankeey, Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Maxamed Axmed Abtidoon, Sadiiq Xirsi Warfaa iyo Xil. Xassan Cabdi Ismaaciil-Xassan Yare.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





