Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Safiirka Talyaaniga ee Somaliya oo gaaray Hobyo & Wasiirka Dekadaha ee Galmudug

Hobyo (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Dekadaha maamulka Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo, isagoona halkaasi weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay halkaasi u tageen dhagax dhigga dhismaha Deked macmal ah oo ay dhisidoonto Hay‘adda WFP.

Wasiirka Dekadaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska ku saxiixey heshiis lagu dhisayo Dekeda Hobyo.

Waxaana Dekedaan Macmalka ah suurta galin doontaa in qalabka lagu dhisayo dekeda laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faaidaystaan ganacsatada Reer Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan dardar-gelinta sidii loo dhisi lahaa dekadda magaalada Hobyo, islamarkaana Ganacsatada deegaannada Galmudug uga faa’iideysan lahaayeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...