Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Maamulka Degmada Warsheekh oo si kulul uga hadlay falkii lagu dilay Hooyo & Laba carruur ah

Jowhar (Halqaran.com) – Guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Xasan Axmed Maxamed ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay falkii Hooyada iyo labada carruur ee lagu dilay ee ka dhacay deegaanka Xaluule oo hoostaga degmadaas.

Guddoomiyaha oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin falkaasi lagu dilay dadka Birima-geydada ah, kuwaas oo soo lab laabtay.

Waxaa uu sheegay in ay hayaan magacyo iyo tirada dadkii geystay Xasuuqii Carruurta iyo haweenka, islamarkaana dhacdadaasi ay la xiriirto dagaal aanooyin qabiil ah oo ka jira deegaannada hoostaga degmada Warsheekh.

Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka degmada Warsheekh iyo deegaannada hoostaga ayaa waxaa uu ugu baaqay inay arrintaani ka harin, islamarkaana ay ka hortagaan in falal kale ay dhacaan.

Si kastaba, guddoomiyaha degmada Warsheekh ayaa xusay, in ay dhawaan gacanta ku sii dhigi doonaan dadkii ka dambeeyay falkaasi, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...